Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Racfaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa loogu magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, waxaana xilkaas laga qaaday Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed oo soo hayey tan iyo bishii Luuliyo ee 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxaa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Xilkan ayaa horey u hayey Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa waxay soo afjareysa khilaafkii soo jiitamayay oo u dhaxeeyay isaga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaasoo gaaray heer Guddoomiyaha Maxkamadda Sare shaqo joojin ku sameeyo, balse uu ka biya diiday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.