Guddoomiyaasha labada Aqal iyo Madaxweynihii hore oo dalka dib ugu soo laabtay

Diyaarad qaas ah oo ay la socdeen wafdi uu horkaccayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayna ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole .

Mas’uuliyiintan ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay dalka Turkiga, bil ka hor markii Adduunka oo dhan joojiyay duulimaadyadii, kaddib markii cudurka safmarka ee Coronavirus uu ka dilaacay, ayna dad badan u dhinteen, kuwo kale oo aad u fara badan uu soo ritay.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin kala gedisan oo ka tirsan labada gole iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.