Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho oo laga buufiyay Covid-19

Waaxda Caafimaadka ee Dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ka sameeysay suuq-bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn caasimada iyo qeybo kale oo ka mid ah gobolka banaadir.

Gaadiidka dowladda hoosee ayaa biyo ay ku jiraan daawo loogu talagalay in lagu dilo jeermiska faafa, waxaa ay ku buufiyeen suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada muqdisho ee Suuq –bacaad,taas oo qeyb ka ah ka hortago cudurkan ku sii faafaya dalka ee Covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada iyo Agaasimayaal ayaa booqday goobahaasi la buufiyay ee Suuq-bacaad.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo ah halka ugu horeysay ee laga helay cudurka Coronavirus dalka Soomaaliya ayaa waxaa hoos u dhac uu ku yimid  tirada dadka uu soo ridanayay cudurka iyadoo isbitaalka  Martini dhowaan ay ka baxeen bukaano ka bogsaday cudurka.