Ciidamada Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay gaari laga soo dhacay Galmudug

Ciidamada Booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen gaari laga soo dhacay Koofurta Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la soo dhacay oo ahaa nooca Probox, taarkadiisa aheyd CN 721.

Taliska Booliska ma sheegin cid loo soo qabtay falkaas, waxaana ay u mahadceliyeen shacabka deegaanka oo Ciidamada Booliska kala shaqeeyay sida ay uga shaqeeyeen in gaarigan gacanta lagu soo dhigo.

Ugu dambeyn Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay inay xoojin doonaan wada shaqeynta ciidamada Amniga ee Galmudug, isla markaana la iska kaashan doono sidii amniga gobolka Mudug loo sugi lahaa.