Hormuud Foundation iyo Salaam bank oo deeq lacag ah gaarsiiyay 200 oo qoys dan yar ah

Illaa 200 oo ruux oo isugu jira haween iyo rag ayaa ka fa’ideystay deeq gargaar lacageed oo maanta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen dad danyar ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo dhex xulay kaamam ku yaala magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu qeybinayay deeqda oo ka dhacday xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka Gobolka Banaadir ayna goob joog ka ahayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu horeen waxaa daah furay Rowda Xaashi Yuusuf oo ah xubin ka tirsan Wasaaradda Haweenka.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamud Makaran iyo Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir Jawaahir baarqab iyo xildhibaanad Caasha Koos oo goobta ka hadlay ayaa ku amaanay doorka Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ay uga jiraan bulshada, iyaga oo uga mahadceliyay sida mar walba ay caawinaada ula garab taagan yihiin dadka danta yar.

Madaxa Hormuud Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay barnaamij taxane ah ay soo wadeen hormuud Foundation iyo Salaam Bank taasoo ay ku caawinayeen dadka danta yar maadama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ugu baaqay Shacabiga Soomaaliyeed inay is caawiyaan
dadkii ka faa’ideystay deeqda ayaa dhinacooda ka mahad celiyay gargaarka maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud Foundation iyo Salaam Bank, iyagoo sheegay in wax badan noloshooda ay ka tari doonto xilligii ay u baahnaayeena ay ku soo aaday, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.