Puntland oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Buuraha Galgala

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyay dagaal ay kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab deegaanka Balli-Khadar ee Buuraha Galgala.

Wasiirka oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay inay ka dileen A;-Shabaab saddex dagaalame, halka Puntland uu ka geeriyooday hal askari, mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu ka dhacay xilli habeennimo ah deegaan u dhow Balli-khadar, isla markaana Ciidamada ay wadeen howlgallo lagu sugayay amniga, isla markaana ilaalo ka hayeen waddo u dhaxeysa Balli-khadar iyo Galgala.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in howlgallo laga sameeyay Boosaaso lagu soo qabtay qaraxyo iyo rag maleegayay falal amni daro ah.

Deegaanada Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ka howlgala dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo xilliyada qaar weeraro ku soo qaada ciidamada Puntland.