Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo la dhaariyay

Golaha Wasiirada ee Dowlada goboleedka Galmudug ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu hordhaariyay xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Dhaarintan ayaa timid kadib markii ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha Wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka golaha maanta waxaa soo xaadiray 78 mudane ee ka tirsan Barlamaanka dhammaan waa ay ansixiyeen.

Munaasabada waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor) Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Gacal iyo ku xigeenadiisa .

Dhammaan tirada golaha Wasiirada ay maanta meel mariyeen Barlamaanka ayaa ka koobnaa 61 waxaana isla munaasabada lagu dhaariyay 25 Wasiir, 25 Wasiir ku-xigeeno iyo 11 Wasiiru Dowle.