DEG DEG: Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ismiidaaminta ayaa waxaa ku geeriyooday Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland iyo saddex ka mid ah Ilaaladiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka ismiidaaminta uu watay mooto bajaaj waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa gaari.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Xarunta Gobolka, ayaa waxaa la arkayay qiic iyo uuro, waxaana goobta isku gedaamay Ciidamada amniga Puntland.

Waa weerarkii labaad oo is qarxin ah oo lagu dilo Guddoomiye Gobol ka tirsan Puntland, labo bil ka hor ayay aheyd markii qof xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland.