Muuse Biixi oo shuruud cusub ku xiray wada hadalka Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay sanad-guurada 18 May oo ku beegan markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana tahay dal madax bannaan ayaa sheegay in mar walba mowqifkooda yahay mid cad  oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah.

Muuse Biixi ayaa sheegay in haddii la rabo in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo dhab ah ay marka hore shardi tahay in sidii labo dowladood oo kale loo wada hadlo.

Waxaa uu sheegay in aysan wada xaajood la geli doonin dowladda Soomaaliya, inta mas’uuliyiinta Muqdisho joogta ay ugu yeerayaan Somaliland “Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya” taasna ay tahay xaqiraad, sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadalka labada dhinac ay tahay in laga heshiiyo ajanadaha kaga wad ahadlayo, waxaana uu xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsan tahay in kala go’ oo keliya laga wada hadlo.

Waxaa uu soo jeediyay in haddii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadalka ku heshiin waayaan in la tago Maxkamad caalami ah, si ay ukala saarto.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in aanay marnaba aqbali doonin in deeqaha Caalamka in loo soo marsiiyo dowladda Soomaaliya.