Dowlada oo shaacisay in Axadda la ciidayo halka deegaanada Alshabaabna laga ciidayo berri oo Sabti ah

Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in berri oo sabti ah la dhameestirayo bisha Barakeesan ee Ramadaan Ciidana ay noqoneyso maalinta Axadda,halka ururka Alshabaabna uu sheegay in berri oo sabti ah la ciidayo.

Wasaarada Ow-qaafta iyo Arimaha Diinta ayaa sheegtay in la waayay qof aragta bisha Shawaal, sidaa darteedna berri oo Sabti ah la dhameestirayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaar kamid ah dowladaha Islaamka ayaa horey u shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo 30-ka bisha barakeesan Ramadaan ayna ciida noqoneyso maalinta xigta oo axad ah.

Hase yeeshee Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dhalashadii bisha Shawaal laga arkay ilaa saddex deegaan oo ka tirsan deegaanada uu maamulo  Alshabaab kuwaasoo ku kala yaal gobolada Sh/dhexe iyo Bay.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dad Muslimiin ah oo gaaraya ilaa 15 qofood kuna dhaqan Wilaayaatka Islaamiga ah ay arkeen dhalashada bisha Shawaal.

Waa markii ugu horeysay ee deegaanada ay maamulaan Alshabaab iyo gobolada kale ee dalka lagu kala ciido,waxaana hore labada dhinac ay isaga mid ahaayeen ciidaha.