Abiy Ahmed oo qoraal afka Carabiga ku qornaa ka soo saaray Hambalyada Ciida

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa hambalyo ku aadan Ciidu Fitriga u diray Muslimiinta Itoobiya iyo kuwa Caalamka, kaddib qoraal afka Carabiga ku qornaa oo Xafiiskiisa ka soo baxay.

Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in iyadoo ficil kheyr ah la sameynayo inla taageero dadka danta yar iyo kuwa gargaarka u baahan, maadaama munaasabadda Ciidul Fitriga ay tahay Kheyre iyo Farxad dhab ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Munaasabada Ciida darteed waxaa uu u cusbooneysiiyay Madaxda Caalamka Islaamka iyo kuwa Carbeed dadaalka Itoobiya ee ku aadan xiriirka iyo joogteynta wadajirka ee dadaalka shaqo ee la dagaalanka Argagixisada, si loo gaaro nabad iyo amni dowli ah.

Muslimiinta Itoobiya ayaa lagu qiyaasaa 33% ay gaarayaan oo u dhiganta illaa 25 milyan oo ruux.