Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Hambalyada Ciida iyo go’aankii dowladda ee Ciida

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fitriga u diray Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaaadir, isagoo xusay in Shacabka ay nabad ku soomeen, nabadna ku afureen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inkasta oo dadka Soomaaliyeed maanta oo Sabti ah aysan aheyn Ciid, hase ahaatee dad Soomaaliyeed oo ku nool gobolada dalka ay caddeeyeen inay arkeen bisha Shawaal, taasna ay keentay in Madaxda dowladda Soomaaliya go’aan ku qaataan inay maanta oo sabti ah tahay Ciid, sidaasna dalka oo dhan looga ciiday.

“Qof lagu kalsoonaan karo ama in ka badan oo ay u dhaartaan inay arkeen bisha Soon ama bisha Soonfur waxaa waajibeysa umadda muslimka inay soomaan ama ciidaan waa ognahay qeybo badan Caalamul Islaam inay go’aansadeen in maanta tahay 30 bisha Ramadan, balse dadka Soomaaliyeed qaarkood ay xaqiijiyeen ayaa loo dhaariyay inay arkeen bisha Shawaal ayaa dowladda Soomaaliyeed go’aan ku qaateen, sidaas ku afureen shacabka, Soonkii aan soonay alle hanaga aqbalo Ciid wanaagsan”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Halkan hoose ka daawo:-

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shacabka Muqdisho u diray hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul Fidriga,wuxuuna alle uga baryay dembi dhaaf.

Publiée par Gobolka Benaadir sur Samedi 23 mai 2020