Daawo Sawirada sida maanta looga ciiday Deegaanka Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho

Kumanaan isugu jira waayeelo, dhalinyaro iyo caruur ka kooban wiilal iyo gabdho ayaa isugu soo baxay masjidka weyn ee xaafada Daaru salaam ee magaalada muqdisho si ay u oogaan salaada ciidul fidriga.

Beerta loo dalxiiska tago ee daaru salaam ayaa sidoo kale waxaa isugu soo baxay dadweeyne aad u fara badan kuwaasi oo koox koox u socda haba ugu badnaadaan caruur waalidiintoodu la socota kuwaasoo ku dalxiisayay qaybaha ay ka kooban tahay beerta dalxiiska ee Daaru-Salaam.

Qaar kamid ah dadka ka qeyb qaadanayay farxda munaasabada ciidul-fidriga oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay uga qeyb qaadanayaan ciida iyaga oo sheegay in meelo fog fog ay uga yimaadeen qaarna ay degan yihiin xaafada Daaru-Salaam gaar ahaan beerta loo dalxiiska tago maadaama ay tahay meel ku wacan dalxiiska iyo in lagu maamuuso munaasabadaha

Waaxda caafimaadka ee beerta loo dalxiiska tago ee Daaru salaam ayaa mid mid u hubinayay faya qabka dadka soo galaya goobta maadaama taxadar badan laga muujinayo faafida cudurka COVID-19 iyadoo ay heegan buuxa ugu jiraan shaqaalaha caafimaadka oo adeegsanaya gaadiidka gurmadka deg dega ah ee ambalaasta.

Madaxa suuq gaynta beerta Daaru-Salaam Cabdi Nuur Maxamed Kediye ayaa ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen qaabilaada dadka u soo dalxiiska tagaya halkaasi isagoo tilmaamay in ay u diyaariyeen adeegyo dheeraad ah iyo goobo aad muhiim ugu ah dalxiiska gaar ahaan goob lagu hayo xayawaanaadka iyo meela kale oo ay caruurtu ka heli karaan adeegyo aad u farxad galinaya sida meelo lagu ciyaaro iyo qalab casri ah.

Xaafada Daaru-salaam oo ah deegaan hormar badan uu ka jiro ayaa waxaa maal galiyay Salaam Somali bank waxaan dhismaha deegaanka Daaru salaam city fuliyay oo dhisay shirkada dhismaha ee Buruuj.