Qarax qasaare geystey oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax qasaare geystey uu ka dhacay goob ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka lagu ciyaarayay.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa lagu soo waramayaa inay goobta ku dhinteen halka dad ku dhow soddon ruux ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa lala eegtay dad ciyaarayay iyo kuwo ku daawanayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka goob loo yaqaan Ban Qayaamo oo ku taal duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxan uu ahaa mid ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray goob ay dadweyne faro badan ku sugnaayeen,halka warar kalana ay tilmaamayaan inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.