Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday Muqdisho

Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamuud Samraan Al-Xuwayti ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xamuud Samraan Al-Xuwayti ayaa la sheegay in xanuun kedis ah inuu u geeriyooday, inkastoo aan faah faahin laga bixin xanuunkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso geerida ku timid Safiirka.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka: