Evariste Ndayishimiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Burundi

Evariste Ndayishimiye ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne ee toddobaadkii hore kda dhacday dalka Burundi waxana uu helay 68.7 boqolkiiba sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.
Guddiga Doorashada Burundi ayaaheegay in musharaxa xisbiga mucaaradka Agathon Rwasa uu helay 24% boqolkiiba codadka la tiriyay.

Guddoomiyaha guddiga Doorashada Pierre Claver Kazihise ayaa sheegay in doorashada si weyn loogu soo baxay isl sidoo kale sa markaana ku dhamaatay nabadgelyo.

Madaxweynaha cusub ayaa bedelaya Pierre Nkurunziza,iyadoo doorashadii dhacday 20kii bishan ay timid kadib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho,dhaawac,jirdil iyo xarigba loo geystey xubnaha mucaaradka.

Doorashadan ayaa la qabtay xilli uu caalamka ka jiro cudurka Coronavirus,waxaana ka talinayay dalkaas tan iyo sanadkii 2015kii Nkurunziza.