Ciidamada Amniga oo toogasho ku dilay rag labisan dharka Ciidanka oo dhac geysanaya

Ciidamada Booliska ayaa xalay degmada Howl-Wadaag ka sameeyay howlgal lagu sugayay amniga, iyagoo toogasho ku dilay rag hubeysan oo xirnaa dharka ciidanka, kuwaasoo dhac ka geysanaya.

Howlgalkan ayaa lagu dilay mid ka mid ah raggii hubeysnaa, halka mid kalena gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah, kaddib iska hor imaad kooban oo dhex martay Ciidamada Booliska iyo raggii hubeysnaa.

Dadka deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay falal dhac iyo amni daro ah oo ka jirtay xaafado ka tirsan degmada Howl-wadaag.

Raga burcada ah ee lagu dilay howlgalka ayaa ku hubeysnaa qoryaha Ak47, iyagoo watay mooto bajaaj ay ku fuliyaan falalka dhaca ah ee ay ka geystaan xaafadaha Howl-wadaag.

Degmooyin ay ka mid yihiin,Hodan, Howl-Wadaag, Dharkeenley iyo Warta nabada ayaa maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool waxaa ay cabasho ka muujinayeen Kooxo Burcad ah oo habeen iyo maalin dhac u geysanaya.