Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii Deegaanka iyo Beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ku jiray Isbitaalka Martiina, halkaasoo lagula tacaalayay Cudurka Coronavirus.

Wasiirka ayaa todobaadkii hore la keenay magaalada Muqdisho, isaga oo xanuun hayay, waxaa markii dambe baaritaan lagu sameeyay laga helay Cudurka Coronavirus oo uu ugu dambeyn maanta u geeriyooday

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa lagu tacsiyadeeyay geerida Wasiirka, si gaar ah waxaa looga tacsiyadeeyay ehelada iyo shacabka Puntland.

“Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Cudurka Coronavirus ayaa waxaa u geeriyooday dad ka badan 50 ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedyada.