Wasiiro magacaabistooda khilaaf dhaliyay oo maanta lagu dhaariyay Garowe

Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uuna ka soo horjeestey Madaxweyne ku xigeenkiisii Axmed Karaash ayaa maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhaarintooda Madaxweyne Deni oo kaliya.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa Wasiirada cusub kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo mas’uuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isagoo alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo mas’uuliyiintan cusub ee dowladda ku soo biiray.

Akhriso Magacyada Wasiirada cusub ee la dhaariyey.

1- Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
2- Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
3- Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4- Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
5- Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.
6- Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7- Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.