Xisbi uu hoggaamiyo Musharax hore oo war saxaafadeed ka soo saaray Doorashada 2021

Xisbiga Gurmad oo ka mid ah Axsaabta siyaasadda dalka ee uu hoggaamiyo C/naasir Cabdulle Maxamed oo ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya isku soo taagay sanadkii 2016 ayaa war saxaafadeed ka soo saaray doorashooyinka sanadkan 2021 iyo mida horaanta sanadka soo socda ee 2021.

Xisbiga ayaa dhaliilo xooggan u soo jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan sida ay uga gaabisay howlihii loo igmaday ee mudnaanta lahaa sida xilligan kala guurka, ayna ku mashquushay  in la caburiyo  ama loo caga jugleeyo cid walba oo ka aragti duwan.

War saxaafadeedka Xisbiga Gurmad ayaa looga dilay Madaxda dowladda inay muddo kororsi sameystaan, iyagoo ugu baaqay in dowladda qaado tallaabooyinkii doorasho ee ka soo bilowday illaa dowladdii Carte lagu soo dhisay ee qori isku dhiibka ahaa.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-