Maamulka degmada Qansaxdheere oo ka hadlay Diyaarad gargaar siday oo la rasaaseeyay

Waxaa shalay degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay lagu rasaaseeyay diyaarad siday gargaar, iyadoo ay haleeshay rasaas fudud oo uga dhacday mid ka mid ah garabka diyaaradda.

Diyaaradda ayaa la sheegay in rasaasta lagu furay xilli ay dooneysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Qansaxdheere.

Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere C/risaaq Cabdi Ibraahim ayaa sheegay in diyaaradda oo jawi hoose ku duuleysay ay rasaas ku fureen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna rasaasta uga dhacday diyaarada qeybta dambe ee garabka diyaaradda.

Waxaa uu sheegay in diyaaradda siday gargaar ay u rarneyd hay’adda WFP, isla markaana ay si nabad ah ku degtay Garoonka degmada Qansaxdheere dibna ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha degmada Qansaxdheere ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Milateriga Soomaaliya.

Bishii hore ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaarad ay leedahay shirkadda African Express, iyadoo uu weli socdo baaritaanka ku saabsan diyaaraddaas la soo riday.