Agaasime loo magacaabay Isbitaalka Martiini ee lagula tacaalo Covid-19

Wasiirada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Agaasime cusub u magacawday isbitaalka Martiini oo lagula tacaalo dadka uu ku dhaco cudurka Coronavirus.

Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) oo hore u ahaa la -taliyaha nidaamka caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya iyo xubin ka mida Guddiga ka hortagga Coronvirus ayaa loo magacaabay Agaasimaha Isbitaalka Martiini.

Mas’uulkan ayaa ka mid ahaa howlwadeennada ugu cadcad wasaaradda Caafimaadka xilligan adag ee cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu dilaacay.

Waxaa uu dhowr jeer ka hadlay saxaafadda, isagoo ka warbixinayay xaaladaha cudurkan iyo qaababka looga hortagi karo.

Magacaabidiisa ayaa ka dambeysay xaalada adag oo ka taagneyd Maamulka Isbitaalka Martiina oo loo baahnaa dad waayo arag ah, iyadoo xilka loo magacaabay agaasimaha Isbitaalka Martiina aysan saameyn doonin xilalka kale uu ka haayo Wasaaradda Caafimaadka.