Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay xaalado ku soo kordhay Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Guddiga qaran ee xakameynta cudurka Covid-19, kaasoo looga hadlayay xaalado ku soo kordhay deegaannada Galmudug.

Shirkan oo ahaa dhanka Muuqaalka la iska arko ee Online-ka, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo warbixin siiyay Guddiga cudurka Corona oo dad badan ugu geeriyoodeen degmada Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado, si wax looga qabto xaaladaha ku soo kordhay ee covid-19.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa la filayaa inuu gaaro degmada Cadaado, si uu kormeero xaaladaha ku soo kordhay oo haatan ay muuqato in degmada Cadaado ku faafayo cudurka Coronavirus.

Maamulka degmada Cadaado ayaa sheegay in aysan heysan agabkii loogu tala galay ee wax looga qaban lahaa cudurkaas, sida oksijiin, waxaana calaamadaha lagu arkay ee dadka u dhinteen lala xiriiray inuu yahay coronavirus oo 24-kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen dad tobaneeyo gaaraya.