Askari hore u diley taliyihiisa oo xukun dil ah lagu fuliyay magaalada Boosaaso

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah dil ku fulisay askari shan sannadood ka hor si bareer ah u dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jirey Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal magaaladda Boasaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana qisaasta dilka fuliyay wiil uu dhalay Taliye Xasan Shire Aamaan.

Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan oo goobjoog ahaa ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka qisaasta, iyagoo u mahadceliyay maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Alle u naxariiste Taliyaha Xasan Shire Ammaan oo masuul ka ahaa ammaanka Garoonka diyaaraha Bosaso ayaa waxaa 7 bishii December 2015kii toogtay askariga maanta dilka lagu fuliyay, kaasi oo markii dambe baxsaday. Askarigan oo muddo saddex sanno baxsad ahaa ayaa ciidamada amnigu soo qabtay sanadkii hore.

Dhinaca kale, Maxkamada Ciidamada waxay xukuntay in Puntland ay diyo ahaan u siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.