Banaanbax loogaga soo horjeedo dil wadareedkii Gololey oo ka dhacay Balcad

Dadweyne madaxa ku soo xirtey calaamado cas-cas kana careysan dilkii ka dhacay deegaanka Gololey ayaa maanta ka dhacay magaalada Balcad.

Dadka Shacabka ah ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada iyagoo dalbanayay in cadaalad ay helaan dhalinyaradii loo laayay sida arxan darrada ah.

Banaan baxayaasha ayaa wata maro Casaan ama Guduudan, taas oo ay ku soo xirteen madaxa si ay ugu muujiyaan dareenka tiiraanyada xambaarsan iyo in ay ka xun yihiin dhacdadii ka dhacday ee dil wadareedka loogu gaystay dhalinyarada.

Dil wadareedka ka dhacay degmada Balcad ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.