Mahad Salaad “Illaa hada Madaxda dowladda kama hadlin dhacdadii Gololey, halka ay u qaylo-dhaamin jireen…

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowladda inay ka dambeeyeen dhalinyaradii lagu laayay deegaanka Gololey ee hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxda dowladda aysan illaa iyo hadda ka hadlin, halka dhacdooyinka yaryar ee ka dhaca meelaha kale ay ka hadli jireen.

“Meydadkan idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey. Dhacdadaan foosha xun ilaa hada madaxda dowlada Soomaaliya kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna la qaylo dhaamin jireen, marka adigu iska garo, waa tusaale ku filan in aad fahamto heerka uu gaarsiisan yahay naceybka laguu qabo”ayuu yiri Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa ka digay in dhacdadan haddii aan laga dhiidhin ay soo socdaan dhacdooyin kale oo ka fool xun.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaan degdeg ah ku sameyn doonto dhacdadii lagu dilay illaa 8 dhalinyaro oo ka shaqeynayay xarun caafimaad ee ku taal deegaanka Gololey.