Qaramada Midoobey oo dalbatay baaritaan degdeg ah oo lagu sameeyo xasuuqii Gololey

Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ahna Isku duwaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa Adam Abdelmoula ayaa war ka soo saaray 8 dhalinyaro ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka oo lagu dilay deegaanka Gololey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in falkaas arxan-darada ah aan la aqbali karin, isla markaana uu yahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee arrimaha bani’aadanimo.

“Waxaan aad uuga naxsanahay inaan maqlo in todoba qof oo shaqaala caafimaad ah oo Soomaali ah iyo qof kaloo rayid ah laga afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad maxali ah oo ku taala tuulada Gololey, degmada Balcad, gobolka Shabellaha Dhexe taariikhdu markey aheyd 27 May. Dhammaan sadeedaasi qof waa la dilay”ayuu yiri Amb. Adam Abdelmoula.

“Weerarada lala beegsado xarumaha caafimaad iyo shaqaalaha ma aha wax la ogolaan karo waana xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ee arimaha baniaadanimo iyo habdhaqanka caadiga ah. Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xili Soomaaliya ey la tacaaleyso khatarada sadexda ah ee safmarka COVID-19 iyo fataahado”ayuu yiri

Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa dalbaday baaritaan daah furran oo degdeg ah oo lagu sameeyo falkaas naxariis darada ah.

Dadka deegaanka Gololey ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ay ka dambeeyeen falkaas, isla markaana ay afduubteen dhalinyaradan, maalin kadibna meydkooda la soo dhigay agagaarka deegaanka, hase ahaatee Saraakiisha Ciidanka Milateriga ee ku sugan deegaanka ayaa iska fogeeyay in ciidankooda ay ku lug lahaayeen falkaan.