Dowlada Federalka oo cambaareysay qarax ay dad rayid ah ku dhinteen

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rakaab ah oo saarnaa gaari hoomey ah.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxaasi,waxaana Wasaaradda ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro qaraxyo ah la beegsada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qarax ka dhacay maanta agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee deegaanka lafoole ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Ruux halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.