Safaaradda Soomaaliya Sudan oo shuruud ku xirtey Soomaalida ku xayiran Sudan

Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Suudaan ayaa ku xirtey shuruud ay ka mid tahay in muwaadinka ku soo laabanaya dalka Soomaaliya uu haysto shahaado cadeyneysa inuusan qabin cudurka Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Safaarada oo ku socday dadka doonaya inay Soomaaliya kusoo laabtaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay afar sharuudood oo mid ka mid ah uu gaar u yahay ardayda wax ka barata dalka Sudan.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore uga soo daadgureysay muwaadiniin ku xayirnaa qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan;