Tirada dadka laga helay Covid-19 dalka Soomaaliya oo kor u dhaaftay labo kun oo ruux

Tirada dadka laga helay cudurka Covid-19 ee dalka Soomaaliya ayaa sare u dhaaftay labo kun uu ruux iyadoo dadka u dhinteyna ay boqol ruux ku dhow yihiin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warbixinada ay soo saarto Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka waxaa laga arkayay hoos u dhac ku yimid dadka uu soo ridanayo cudurka Covid-19 ee caasimada dalka.

Warbixintii ugu dambeysay ee maanta soo baxdayna waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 1 bukaan uu geeriyooday halka 13 ruux oo kalana ay ka bogsadeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland 28, Banaadir 9, Puntiland 5, iyo 5 Ruux oo Jubbalanad ah.

Bukaannada cusub 38 kamid waa rag 9-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,023 xaaladood, 79 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 361 ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.