Wiil dhalinyaro oo saaka lagu dilay Muqdisho iyo wararkii u dambeeyay dilkiisa

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa saaka wiil dhalinyaro ah ku dilay agagaarka Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, iyadoo askariga dilka geystay uu baxsaday.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed Abuukar Tuuryare, waxaa la sheegay in xilli uu qof ehelkiisa ah uu sagootinayay la dilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga ay ka shakiyeen, isla markaana uu jiray muran falka dilka ka horreeyay, inkastoo aan la xaqiijin waxa uu salka ku hayay muranka.

Inta badan dilalka ay geystaan askarta ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ah kuwo ujeeddo la’aan ah oo la xiriira shaki iyo muran.

Meydka wiilka dhalinyarada ayaa goobta laga qaaday lana geeyay xarunta dambi baarista, si diiwaanka baaritaanka loo geliyo, waxaana ciidamada booliska ay wadaan baaritaano la xiriira askariga baxsaday.