Ciidamada Booliska oo qarxiyay Miino lagu aasay waddo muhiim ah

Ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa Miino baarista ayaa maanta qarxiyay miino lagu aasay wadada hormarta Jaamacadda Umadda gaar ahaan Xarunta Gaheyr ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa arkay miinadan oo la hoos geliyay meel qashin ah, waxaana markii dambe ay wargeliyeen ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska ayaa markii kagu wargeliyay durba wadada xiray, iyagoo si nabadgelyo u qarxiyay miinada.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa miinada, ee ay fashiliyeen Ciidamada Booliska, waxaana caadi ku soo laabtay isu socodka, markii Ciidamada ay qarxiyeen Miinada.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ku soo kordhayay miinooyinka jidka dhinaciisa la dhigo, waxaana todobaad ka hor lala eegtay gaari uu la socday Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab).