Ciidamo ka goostay Puntland oo sheegay inay taageersan yihiin dowladda Federaalka

Ciidamo Hubeysan oo ka tirsanaa Puntland ayaa sheegay inay ka goosteen maamulka Puntland, ayna taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib muuqaal ay ka soo duubeen qeybo ka mid ah gobolka Bari oo ay Puntland ula baxday Gobolka Gardafuu.

Muuqaal ay soo duubeen ciidamadan ayaa la arkayay dhul buuraley ah oo ay ku sugan yihiin, iyagoo xiran dharka ciidamada ee milateriga, waxaan saraakiisha ciidamadan ay sheegeen inay noqdeen ciidamo deegaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka

Saraakiisha u hadashay Ciidamadan oo gaarayay ku dhowaad afartameeyo ayaa sheegay inay ka tirsanayaan maamulka Puntland cadaalad xumo, ayna dhageysan weyday cabashooyinka ka jira Gobolka Gardafuu.

Waxaa kaloo saraakiishan ay sheegeen inay diidan yihiin Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF, kuwaasoo uu taageero Imaaraadka Carabta

Sidoo kale waxaa ay baaq u direen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay taaageeraan ciidamadooda.

Lama oga in arrintan ka mid tahay dagaal hoose oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo ay abaabushay dowladda Federaalka iyo in kale, laakiin Madaxweynaha Puntland ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay kicineyso beelaha Puntland si ay uga hor yimaadaan maamulkooda.