Kulan looga hadlayay dardar gelinta Amniga oo xalay ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Amniga Gobolka Banaadir, kaasoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliska Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Talisyada Saldhigga Booliska degmooyinka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageystay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka iyo taliska Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la is faray awaamiir kala duwan oo quseeyay dhinacyada amniga, nadaafada iyo qaadista canshuuraha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsaneyd xaalada amniga magaalada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisa aheyd dardargelinta Amniga, isagoo xusay in Guddoomiyaha Gobolka uu u mahadceliyay taliska Booliska, shaqadii ballaarneyd ee la soo qabtay bishii Ramadaan.

Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la ganaaxi doono, tallaabo cad laga qaadi doono dadka bacaha qashinka soo dhigay waddooyinka, taasoo uu xusay inay ka dhashaan falalka amni daro ah iyo in lagu soo qariyo bambooyinka qarxa.

Waxaa uu sheegay in dhowaan ay soo bixi doonto awaamiir la xiriira arrintaas sidii cid walba oo ku dhaqaaqda falalkaas tallaabo cad looga qaadi lahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa bishii ramadaan amnigeeda aheyd mid wanaagsan oo ka duwanaa Ramadaanadii sanadihii hore, waxaa ciidamada amniga ku guuleysteen adkeynta amniga magaalada.