Taabit Cabdi “Soomaaliya waxay taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil iyo laaluush”

Taabit Cabdi Maxamed oo ka mid ah Hoggaanada Axsaabta Siyaasadda ee horay loo diiwaangeliyay ayaa sheegay in muddo dheer ay shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen inay codkooda ku doortaan cida noqoneysa Hoggaankooda heer Gobol iyo Heer Qaran, isagoo tilmaamay in rabitaankaas uu xooggan yahay.

Taabit ayaa sheegay inay jiraan dad weli raadinaya in aanu dalku gaarin marxalad ay buslahda codkooda ku doortaan, kuwaasoo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah abuuraya.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya taal meel aanu ka qaadi karin Hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay dowlado shisheeye dhabarka ku sitaan.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu bartiisa Facebkoo ku soo qoray:-

Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan.

Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan.

Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka.

Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.