Wasiirka Amniga Galmudug oo sheegay inay ku guuleysteen qaadista isbaarooyinkii yaallay deegaanada

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku guuleysteen qaadista isbaarooyinkii yaallay deegaanada Galmudug ee dadka lagu dhibi jiray.

Axmed Fiqi oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in isbaarooyinka yaallay Mudug iyo Galgaduud lacagaha ay ka qaataan maleeshiyooyinka loo adeegsan jiray dagaalo beeleedyada, in hub lagu soo iibiyo iyo amni daro.

“Arrinta Isbaarooyinka muddo sanado ah ayay jidka weyn ee isku xira Muqdisho illaa Hargeysa ayay taallay, gaar ahaan inta deegaanada Galmudug hormarta dadka socota waa la dhibi jiray gabdhaha iyo dumarka saaran gaadiidka, isbaarooyinka lacagaha ka soo xarooda waxaa lagu quudin jiray dagaal beeleedyada”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Waxaa uu sheegay in maleeshiyaadkii isbaarooyinkaas ku sugnaa la xareeyay, loona furayo tababar, dhaqan celin iyo waxbarasho, kadibna laga dhigi doono Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu xusay in maleeshiyooyinka dhalinyarada ah ay aas aas u noqon doonaan Ciidamada daraawiishta Galmudug, ayna heli doonaan daryeel iyo mushaar, caafimaadkooda laga fikiri doono sida uu yiri

Muddooyinkii u dambeeyay Wasiirka Amniga Galmudug ayaa dadaalo la xiriira amniga ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, sida Koofurta Gaalkacyo, waxaana illaa hada lagu guuleystay in isbaarooyinkii maleeshiyaadka la qaado oo lagu wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, iyadoo la xareeyay maleeshiyaadkii hubeysnaa.