Dowlada Federalka oo agab caafimaad geysay magaalada Dhuusamareeb

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta gaarsiisay agab caafimaad magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Agabkaan oo noocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxaa logu tala galay degmooyinka Balanbale iyo Caabudwaaq oo maalmahan uu saameyn ku yeeshay cudurka Covid19.

Agabkan Caafimaad ayaa waxaa la wareegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaa uuna u mahadceliyay Dowlada Somaliya sida ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa xiligan waxaa fara badan ku haya cudurka covid 19 waxaana hore sidan oo kale loo geeyay magaalooyin kale oo ku yaal dalka Soomaaliya.