Qaar ka mid ah Maamul goboleedyada oo hoos u dhacay tirada dadka laga helay Covid-19

Dadka uu soo ridanayo cudurka Coronavirus ee maamulka la magac baxay Somaliland ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay hoos uga dhacday tiradii maalmihii la soo dhaafay laga helayay.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 24kii saac ee ugu dambeysay laga helay Cudurka COVID 19 58 ruux.

TIradan ayaa 32 ka mid ah waxaa laga helay magaalada Muqdisho,11 waxaa laga helay Hirshabelle,Somaliland waxaa laga helay 8 ruux,Galmudug 3,Puntland 2,Jubbaland 1, Koonfur Galbeed 1.

Guud ahaan tirada laga helay cudurka Coronaviras dalka Soomaaliya ayaa gaartay 2,204 ruux halka ay ka bogsadeen 418 ruux balse heerka dhimashada ayaa ah 79 ruux.