Toban kun oo ruux oo lagu xirxiray banaanbaxyadii ka dhacay Maraykanka

Inkabadan toban kun oo ruux ayaa loo xirey sababo la xiriira banaanbaxyadii ka dhacay dalka Maraykanka kuwaasoo loogaga soo horjeeday dilkii uu askari caddaan ah u geystey nin rayid ah oo madow.

Gobolada dalka Maraykanka ayaa 41 kamid ah waxaa saameeyay banaanbaxyo ay faraha isula tageen ciidamada booliska iyo dadkii banaanbaxayay.

Caasimada dalka Maraykanka ayaa dad badan lagu xirey iyadoo sidoo kale magaalada Los Angeles lagu xirxirey inkabadan saddex kun oo ruux.

Magaalooyinka kale ee dadka banaanbaxayay lagu xirxirey ayaa waxaa ka mid ah magaalada New York.

Dhinaca kale dhammaan afartii ruux ee ku lug lahaa dilkii Folyd ayaa lagu soo oogay dambiyo.

Derek Chauvin,oo ahaa askarigii qoorta jilibka ka saaray Floyd ayaa lagu soo oogay dambi heerkiisa uu yahay derejada labaad halka saddexda kale lagu soo eedeeyay inay caawiyeen dambi ah derejada labaad iyo midka saddexaad.