Faransiiska oo howlgal ku dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika

Dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in howlgal milateri oo ka dhacay waqooyiga dalka Mali lagu dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika Abdelmalek Droukdel.

Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada Faransiiska iyo saaxibadooda maxalliga, kaasoo suura geliyay in 3-dii bishan lagu dilay gudaha dalka Mali Abdelmalek Droukdel iyo dhowr ka mid ah ilaaladiisa.

Wasiirka Difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa qoraal ay bartiisa Twitter-ka soo dhigtay ku xaqiijisay howlgalkan ay fuliyeen Ciidamada Faransiiska oo kaashanaya Ciidamada Mali.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Al-Qaacidada Waqooyiga Afrika ee loo yaqaano AQIM oo ku saabsan geerida Hoggaamiyahoodii Abdelmalek.

Dhimashada Hoggaamiyahan ayaa ku soo aaday lix bilood kaddib markii Madaxweynaha Faransiiska iyo Madaxda lixda dal ee la isugu yeero dalalka saxaraha ee G5, sida Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger iyo Chad ay ku dhawaaqeen qorshe cusub oo hal talis loogu sameynayo Ciidamadooda, si loola dagaalamo kooxaha Al-Qaacida iyo ISIS.

Faransiiska ayaa ahaa dal horay u gumeystay dalalka Gobolka, waxaa uu dhowaan 600 askari dheeraad ah u diray howlgalka Barkhane, waxaana uu gaarsiiyay tirada Ciidamada jooga Mali illaa 5,100 askari.