Afhayeenka Booliska “Waxaa gacanta lagu dhigay nin doonayay inuu isku qarxiyo dibad baxayaashii maanta”

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Saciid Doodishe oo goor dhow wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuunisku qarxiyo dadkii maanta dhigay banaan bixii ka dhacay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ninka oo xirnaa jaakadaha qarxa uu rabay inuu isku qarxiyo dibad baxayaasha, waxaana uu tilmaamay in baaritaan ku socdo ninkaas, qalabkii uu isku qarxin rabay gacanta lagu haayo.

“Dhagar qabe doonayay inuu maanta isku qarxiyo banaan baxayaasha ayaa ciidamada Amniga gacanta ku soo dhigeen iyo jaakadii qaraxa aheyd ee uu watay baaritaan ayaana ku socda”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii ku soo kordha baaritaanka ninkaas isku qarxin rabay banaan baxayaasha ay dib ka soo sheegi doonaan.

Ma sheegin goobta laga qabtay ninkaas ee uu doonayay inuu isku qarxiyo, waxaana maanta magaalada Muqdisho ay banaan baxyada lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha ay ka dhaceen illaa afar goobood.