Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka socda xadka Hiiraan iyo Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu saaka ka socdo deegaanada Cayr Daye iyo Miira-Jabaale oo ku yaalla xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa daba socda, dagaal xalay ka dhacay deegaanadaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedka dagaalamaya ay yihiin dad xoolo dhaqato oo isku heysta dhul, waxaana jiray dhowr jeer oo hore in lakala dhex galay labada dhinac ee isku hayay dhul daaqsimeedka, balse aan lagu guuleysan.

Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa horay baaqyo uga soo saaray dagaalo beeleedyo ka dhacay xadka labada gobol ay wadaagaan, waxaana horay u jiray dagaalo ka dhacay deegaano u dhaxeeya Matabaan iyo Guriceel oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Muranada ka dhasha dhulalka la isku heysto ee ka dhasha dagaalada ayaa ku soo badanayay deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka mid yihiin goobaha ugu badan ee dagaal beeleedyada ka dhacaan