Wasiir Fiqi oo ka badbaaday isku day la doonayay in gaarigiisa waxyaabaha qarxa loogu xiro

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka warbixiyay howlgalo Ciidamada Amniga ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu qabtay nin waxyaabaha qarxa sida, laguna dilay nin la sheegay inuu ahaa Amiirkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Gaalkacyo.

Axmed Fiqi oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in howlgalka lagu qabto miino nooca gaadiidka lagu dhejiyo oo uu tilmaamay in la doonayay in gaarigiisa lagu xiro.

“Ciidamada Amniga waxay qabteen nin lagu magacaabo Aweys oo ahaa nin ganacsade la yaqaanay, kaasoo doonayay in gaariga aan watay uu ku xiro qarax, ciidamada ayaa qabtay, ninkaas markii la qabtay wuxuu sahlay inuu sheego amiirkiisa, waxaana howlgal Ciidamada Amniga oo kaashanaya kuwa DANAB ku doonayeen inay ninkaas ku soo qabtaan uu dagaalamay, rasaas ku furay, markii dambena ay Ciidamada toogteen, waxaa ay soo heleen bastoolad iyo walxo qarxa.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ninka ay Ciidamada Amniga dileen uu ahaa Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Mudug, isla markaana ka qeyb qaatay falal amni daro iyo dilalka saraakiil.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay shacabka Gaalkacyo in aysan gabaad siinin dadka argagixisada, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.