C/raxmaan C/shakuur “Tallaab qaldan ilama aheyn buuqii ka dhacay Baarlamaanka, adduunka oo dhan ayay ka dhacaan”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan TV ayaa sheegay in tallaab qaldan aanay aheyn buuqii ka dhacay Baarlamaanka, kaddib markii maalin ka hor furitaankii Kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku oriyeen kuna buuqeen Madaxweynaha xilligii uu khudbeynayay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa nasiib darro ku tilmaamay in tallooyinkii Madaxweynaha u jeediyeen uu qaadan waayay, fursadii uu heystay ka faa’ideysan waayay, si uu uga hadlo waaqaca dhabta iyo xaqiiqada uu dalka ku sugan yahay ka run sheego, hase ahaatee uu meelo kale aaday iyo faan.

“Madaxweynaha waxay aheyd inuu ku hadlo luqad dib u heshiisiineed oo uu isku dayo dadka ay kala irdheeyeen ugu baaqo isku soo noqosho iyo wada hadal”ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Mar uu ka hadlayay buuqa ay sameeyeen Xildhibaanada ayuu xusay inuu arki karayay Labo senator oo ku buuqay khudbadii Madaxweynaha, kuwaasoo maalmo ka hor laga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in meesha kaliya ee Madaxweynaha looga aar-gudan lahaa ay aheyd meel loo siman yahay oo fadhiga Baarlamaanka ah.

“Tallaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay iyo buuqii Xildhibaannada waxaa la rabaa Madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeyee, Siyaasiyiin buu amray in guryahooda lagu weeeraro, Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey buu isbaaro garoonka u dhigtay, Senatarada ku buuqay buu garoonka ka celiyey iyagoo Janaaso u socda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo intaa ku daray inuu la yaaban yahay dulqaad la’aanta Madaxweynaha.

Halkan hoose ka daawo wareysiga:-

CCShakuur”Tillaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay waxaa la rabaa madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeye

CCShakuur”Tillaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay waxaa la rabaa madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeye,Siyaasiyiin buu amray in guryahooda lagu wareeraro,madaxweynayaashii xilka uga horreeyey buu isbaaro garoonka u dhigtay,Senatarada ku buuqay buu garoonka ka celiyey iyagoo Janaaso u socda”Markale ayuu yiri”Jawaari markii la ridayey xildhibaanno iyo wasiirro ayaa buuqayey oo Firimbi yeerinayey taas lama yaabbani ee dulqaad la’aanta Madaxweynaha iyo waxa uu ku kacayo ayaa meel iskula kay gali weysan”.

Publiée par Dalsan TV sur Lundi 8 juin 2020