Magaalada Muqdisho oo 24kii saac ee ugu dambeysay aan laga diiwaangelin cudurka Covid-19

Warbixinta ay soo saartay maanta Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee cudurka Covid-19 ayaa lagu sheegay in aan laga helin kiis cusub oo cudurkan ah caasimada dalka ee Muqdisho.

Hase yeeshee warbixinta ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in illaa 34 xaaladood oo cusub laga helay cudurkan 24kii saacadood ee la soo dhaafay guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa cudurka ka bogsooday 29 qof, waxaana geeriyooday hal bukaan.

25 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada Somaliland 19, halka Galmudug laga diiwaangeliyay 15 Ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 24 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 10-ka kale ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,368 waxaa bogsootay guud ahaan 470 ruux. Halka 84 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19.