Golaha Shacabka oo kulankooda berri uga hadlaya sharciga Axsaabta

Guddiga joogtada golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta kumeel gaarka ah ee golaha shacabka, islamarkaana uu shir guddominayey guddomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan oo ay wehliyeen labadiisa ku xigeen ayaa waxa looga hadlay ajendayaasha kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka.

10-ka bisha oo ku beegan maalinimada berri ah ayaa golaha shacabka yeelan doonaa kulankooda uga horeeya kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka waxaana looga hadli doonaa sharciga axsaabta oo kamid ah sharciyadda uga ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay habdhowraha golaha shacabka xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan “nuux.

Kalfadhigan 7aad ee dhowaan furmay ayaa waxaa horyaal sharciyo badan kuwaasoo la doonayo in lagu ansixiyo kahor inta uusan soo xirmin kalfadhigan.