Ciidamada AMISOM oo qirtay in dad rayid ah ay ku dileen gobolka Shabelaha Hoose

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa qirtay in 3 ruux oo rayid ah ay dileen labo kalana dhaawaceen kadib markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday kolonyo ciidamo ah oo marayay Waqooyi Bari magaalada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Bayaan ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarkan uu dhacay June 8 sanadkii 2020, waxaana ku dhintay 3 haween ah halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxana ay AMISOM xustay in ay aad uga xuntahay arrintaaasi nasiib darada ah.

“Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxa ay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada marxuumiintaasi, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaa u rajeynaynaa”, Madaxa AMISOM, Francisco Modera ayaa sidaa yiri.

Ciidamada AMISOM ayaa hore ugu diley dad rayid ah deegaanada ay ka howlgalaan waxaana rasaasta ay ridaan ay tahay mid dad badan oo rayid ah ay ugu dhinteen iyadoo aysan jirin tirakoob rasmi ah oo ah dadka rayidka ciidamada AMISOM ku dileen dalka Soomaaliya.