Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulankoodii u horreeyay ee Kalfadhiga 7aad

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka, kaddib markii si rasmi ah loo furay Maalintii Sabtidii ee la soo dhaafay.

Kulan ay shalay yeesheen Guddiyada Joogtada Golaha Shacabka ayay ku go’aamiyeen ajandahaha looga hadlayo kulanka maanta oo ah sharciga Axsaabta siyaasadda oo muhiim u ah habsami u socodka doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa kulanka ka jeedinaya warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad oo la filayo inuu noqdo kalfadhigii u dambeeyay.

Kulanka ugu muhiimsan ee la wada sugayo ayaa ah kulanka 27-ka bishan June uu Baarlamaanka yeelan doono, kaasoo ay hor imaan doonto Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey, oo la filayo inay jeediso warbixin ku saabsan doorashooyinka dalka.

Hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa diidan kulankaas ay warbixinta ka jeedineyso Xaliima Yarey, waxaana ay tilmaamin in haddii uu dhaco kulankaas kaddib aanay ka qeyb geli doono shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay ku adkeysanayaan shirkaas la qabto ugu dambeyn 20-ka june

Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka, iyadoo muddo xileedkooda ay uga dhiman tahay lix bilood.