Carruur ku ciyaaraysay waxyaalaha qarxa magaalada Muqdisho oo waxyeelo ka soo gaartay

Hal wiil ayaa ku geeriyooday labo gabdhoodna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qaraxday aalad ay ku ciyaarayeen degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii mid kamid ah carruurtan uu garaacay aalad ka mid ah waxyaalaha qarxa oo uu ka soo helay meel aan ka fogeyn gurigooda.

Cabdullaahi Macalim Aadan Maxamuud oo sagaal sano jir ah ayaa ku dhintey qaraxan iyadoo labo gabdhoodna ay ku dhaawacmeen.

Degmada Deyniile ayaa hore u ahayd badankeed xeryo ay degen yihiin ciidamada milatariga Soomaaliya kahor intaan xukunka laga ridin Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.