Galmudug oo laga yaabo inay martigeliso Shirka Dowlada Federalka iyo Dowlad goboleedyada

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in magaalo ka mid ah dowlad goboleedka Galmudug lagu qaban doono shir ay isugu imanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo maalmaha soo socda dhici doona.

Qabashada shirkan ayaa waxaa gadaal ka riixaya Beesha Caalamka, si loo bilaabo jawi is faham ah oo la isugu keeni karo Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in doorka shirka fududeyntiisa iyo qaban qaabadiisa uu qaadan doono Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyadoo dhammaan dhinacyada shirkaas ka qeyb galaya si isku mid ah Xafiiska UNSOM u casuumi doono.

Illaa iyo hadda ma jiro goob rasmi ah oo shirku ka dhacaya,hase yeeshee waxaa jira warar kala duwan oo soo baxaya oo tilmaamaya in shirka uu ka dhici karo magaalada Gaalkacyo ama magaalada Dhuusamareeb.

Dowlada Maraykanka ayaa dhowaan ugu baaqday dowlada federalka inay wadahadalo la gasho dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan ay kulmeen ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo agaasimaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa dhowaan soo saaray warsaxaafadeed uu ku baaqay inay kulmaan madaxda dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada waxaana baaqaas soo dhoweeyay illaa saddex dowlad goboleed sida Hirshabelle,Puntland iyo Jubbaland,balse kama aysan hadlin dowlad goboleedyada Koofurgalbeed iyo Galmudug.